Waxaa si weyn u kordhay falalka lagu khaarijinayo saraakiisha iyo ciidamada dowladda hoose Muqdisho ee canshuuraha ururiya.
Askari kale oo ka tirsan ciidamadan ayaa maanta lagu dilay magalaada Muqdisho kadib markii koox hubeysan oo Gaari wadatay ay ku weerarreen isgoyska Fagax ee magaalada Muqdisho.
Rasaas xoog leh oo lagu furay goob ah ku sugnaayeen ciidamadan ayuu ku dhaawacmay askariga oo markii danbe u dhintay dhaawicii gaaray, waxaana sidoo kale goobta weerarku ka dhacay ku dhimatay gabar 14 sano jir ah oo iskuul ku socotay xilligaasi.
Ku dhowaad 10 askari oo ka tirsan ciidamada canshuurta ee maamulka Gobolka Banadir ayaa lagu dilay maalmihii ugu danbeeyay magaalada; waxayna ciidamadan si weyn u ugaarsadaan Mootooyinka oo canshuur ay ka qaadaan.
Goobjooge