Saturday, July 5, 2025

Ololihii mid ka mida Musharixiinta ugu cadcadaa xilka Madaxweynaha oo burbur ku dhow

Wararka laga helayo magaalada Muqdisho ayaa sheegaya in mid ka mida musharixiinta u taagan xilka madaxweynaha uu soo wajahay hoos u dhicii ugu weynaa ee ololaha Doorashadiisa.

Ra’iisal wasaaraha xilka ka degaya Cumar C/rashiid ayaa la xaqiijiyay inuu hoos u dhac weyn ku yimid ololihiisa kursiga madaxweynaha kadib markii ay taageerada kala laabteen dowlado hore ugu balanqaaday inay taageerayaan.

Cumar C/rashiid ayaa xaruntiisa doorashada laga dareemay xaalada adag ee heysata, waxaana ka tegay xildhibaanadii taageerayay iyo kuwii u dhowaa iyadoo hore lagu waday inuu noqon doono musharax wareega labaad gaari kara ayaa xogtii ug danbeysay ay sheegeysaa inuu marayo heer aad u hooseeya.

Dhowaan ayuu ku dhawaaqay Cumar C/rashiid baaq ku saabsan dalalka deriska ah isagoo ugu baaqay inay faraha kala baxaan doorashooyinka Soomaaliya oo ay doonayaan qof ay wataan inay ku qasbaan Soomaalida, sida uu yiri.

Goobjooge.com

NAGULA SAAXIIB BARAHA BULSHADA: Like Saar

161,065FansLike
2,523FollowersFollow
5,990FollowersFollow

NAGU SOO BIIR

161,065FansLike
2,523FollowersFollow
5,988FollowersFollow

TOP NEWS

XOGAHA QARSOON