Orodyahanka caanka ah ee Mo Farah ee dalka Ingiriiska uga qeyb gala ciyaaraha orodada ayaa sheegay in ilaalada garoon ku yaala magaalada Munich, dalka Jarmalka ay ku xadgudbeen oo si cunsurnimo ah ula dhaqmeen xilli uu u safrayay dalka Itoobiya.
Faarax oo ah 34 sano jir asalkiisu yahay Soomaaliya una orda UK, ayaa bisha dambe ka qeyb geli doono tartan ka dhici doono magaalada London, wuxuuna bartiisa Instgram-ka soo dhigay muqaal muujinaya nin u muuqday ilaalada garoonka oo riixaya Mo Farah kuna dhegan.
Afhayeen u hadlay Mo Farah ayaa uu sheegay in dhacdadaasi ay Tallaadadii shalay ka dhacday dalka Jarmalka, xili Mo Farah uu kusii jeeday Itoobiya, halkasi oo uu tababar ku qaadanayo.
Waxaa kale oo uu afhayeenka sheegay in dhacdadani mid ula kac ah, isla markaana si aan cadaalad aheyn loola dhaqmay Mo Farah.