Wararka laga helayo Isbitaallada magaalada Muqdisho, gaar ahaan isbitaalka Martiini ayaa sheegaya inay saameysay Oxgeyn la’aan ka jira magaalada, iyadoo uu yahay kan kaliya ee lagula tacaalo dadka uu soo rito cudurka Covid-19.
Caasimadda Muqdisho ayaa noqotay Oxygen la’aan, kadib markii ay cilad gashay Warshadii kaliya ee soo saari jirtay Oxgeyn-ka ayna ka qaadan jireen Isbitaallada, waxaana caawa lasoo weriyey inay Isbitaalka Martini ka jirto xaalad adag oo Oxgeyn la’aan ah xilli ay jiifan isbitaallo ka badan 70 oo qaba Covid-19.
Dhaqaatiirta iyo Kalkaaliyeyaahsa caafimaadka ayaan awoodin inay caawiyaan bukaanada qaba Covid-19 ee u baahan in laga caawiyo neefsashada, waxaana qeylo dhaantooda ay gaartay meelo kala duwan, iyadoo Oxygen laga raadiyey Warshad ku taalla degaanka ceelasha biyaha.
Agaasimaha Isbitaalka Martiini Dr. Cabdirisaaq Yusuf Axmed “Jalaaludiin” ayaa sheegay in xaaladda jirta ay tahay mid adag, isbitaalkuna uu heysto oo kaliya 20 sariirood oo ICU leh, halka Oxgeyn-ka magaalada laga waayey laga soo daabulo duleedka caasimadda.
Laba kacleynta Cudurka Covid-19 ayaa Muqdisho si xoog leh ugu saameeyay bishan Febraayo waxaan labadii maalin ee ugu danbeeyay u dhintay dad gaaraya 23 qof, sida ay sheegay Wasaaradda Caafimaadka.
