Saturday, February 27, 2021

XOG: Qoddobada Culus ee ay isku hayaan Beesha Caalamka, Siciid Deni iyo Axmed Madoobe

Wakiilada Beesha Caalamka ayaa dadaalkii ugu danbeeyay ku jira si ay madaxweynayaasha Puntland iyo Jubbaland ugu qanciyaan inay ka qeyb galaan shirka Golaha Wadatashiga Muqdisho ee arrimaha Doorashooyinka.

Wafdi uu hoggaaminayo Wakiilka Q/Midoobay James Swan ayaa shalay maqribnimadii gaaray magaalada Garowe, iyagoo kulan la yeelan doona Madaxweynaha Puntland Siciid C/llaahi Deni, kadibna waxaa lagu wadaa inay isla maanta tagaan magaalada Kismaayo oo ay kulan la yeeshaan madaxweynaha Jubbaland Axmed Madoobe.

Ad

Siciid Deni iyo Axmed Madoobe ayaa aaminsan in arrinta ay ka tagtay hesiis Doorasho oo Farmaajo lala galo, balse wixii dhacay 19-ka Febraayo 2021 ay qasab ka dhigayaan in la helo damaanad qaadka beesha caalamka iyo in fulinta heshiiska Doorashada ay noqoto mid ay beesha caalamka gacan ku yeelato.

Dhinaca beesha caalamka ayaa dhinaceeda dooneysa inaan waqti kale la lumin oo la gudaha galo saxiixa heshiiskii guddiga farsamada ee Baydhaba, isla markaana muddo 2 bilood ah doorasho lagu qabto, iyagoo aan hoos u fiirin dhacdooyinkii 19-ka Febraayo.

Shuruudihii Madaxweynaha Jubbaland Axmed Madoobe ku xiray wadahadal kale oo ay ka galaan Doorashada ayaa saldhig u ah fikirka ay qabaan isbaheysiga ka horjeeda Madaxweynaha waqtigiisu dhammaaday ee Maxamed C/llaahi Farmaajo ee ka kooban: Jubbaland, Puntland, Guddoomiyaha Aqalka Sare iyo Midowga Musharixiinta Madaxweynaha.

Golaha Amniga Q/Midoobay ayaa Isniinta caawa kulan gaara ka yeelanaya xaalada Doorashada Soomaaliya oo warbixin looga dhageysanayo Wakiilada Q/Midoobay iyo Midowga Afrika ee Soomaaliya.

Warar Xul ah

NAGULA SAAXIIB BARAHA BULSHADA: Like Saar

155,213FansLike
2,430FollowersFollow
5,729FollowersFollow
155,213FansLike
2,430FollowersFollow
5,729FollowersFollow

TOP NEWS

XOGAHA QARSOON

error: Content is protected !!