Thursday, May 2, 2024

Prof. Jawaari: “Madaxweynaha waqtigiisu dhammaaday waa Ku-sime ama Sii-haye, waana inuu fahmaa..”

Guddoomiyihii hore ee Baarlamaanka Federaalka Prof. Maxamed Sheekh Cisman (Jawaari) ayaa sheegay in madaxweynaha marka waqtigiisu dhammaado uu noqonayo ku-sime ama sii haye.

Isagoo ka qeyb galay dood ku saabsan xaaladda kala guurka ah ee dalka ayuu sheegay in madaxweynaya marka uu muddo xilkeedkiisa afarta sano ah dhammaado ay xadidmayaan awoodihiisa, wax howl ahna aanu qaban karin.

“Madaxweyna waa madaxweyne.. 4 sano Madaxweyne buuxa ayuu ahaa.., laakiin hadda wuxuu noqonaa sii-haye. Lama sheegsheeog taas.. Marka uu ku-sime yahay waxaa xadidan howlaha uu qaban karo, sida heshiiyo caalmi ah ma geli karo, howlo waaweyn ka qaban karo..” ayuu yir Xildhibaan Jawaari.

Ad

Wuxuu sheegay inuu hadda Madaxweynaha jooga yahay ku-sime waaye ama sii-haye, laakiin ay tahay inuu fahmaa in awoodiisa xaddidan tahay, dadkuna fahmaan.

Warar Xul ah

NAGULA SAAXIIB BARAHA BULSHADA: Like Saar

161,065FansLike
2,523FollowersFollow
5,990FollowersFollow

NAGU SOO BIIR

161,065FansLike
2,523FollowersFollow
5,988FollowersFollow

TOP NEWS

XOGAHA QARSOON