Wakiilka Qaramada Midoobay ee Soomaaliya James Swan ayaa wadahadal khadka Telefoonka kula yeeshay Wasiirada Arrimaha dibadda dalalka ay ciidamada AMISOM ka joogaan Soomaaliya ee saameynta leh.
Xafiiska UNSOM ayaa shaaciyey in James Swan uu Telefoon kula hadlay Wasiirada Arrimaha diabdda dallaka Jabuutim Itoobiya, Kenya iyo Uganda, isagoo kala hadlay xaalada adag ee ay Soomaaliya xilligan mareyso iyo mowqifkooda.
Dhinaca akle warbaahinta Itoobiya ayaa shaacisay in Ra’iisal wasaare ku xigeenka Itoobiya, ahna Wasiirka Arrimaha dibadda Demeke Mekonnen ay khadka Telefoonka wadahadal ku yeesheen Ergeyga Q/Midoobay ee Soomaaliya Somalia James Swan, ayna ka wadahadleen xaaladda Soomaaliya iyo tan Gobolka.
James Swan wuxuu warbixin ka siiyay wasiirka Arrimaha dibadda Itoobiya xaalada doorashada Soomaaliya iyo dhibaatooyinka siyaasadeed ee ka taagan, halista Alshabaab iyo arrimaha la xiriira; waxayna labada dhinac isku waafaqeen in loo baahan yahay xal loo helo arrimaha taagan.
