Maamulka Puntland ayaa amarro ku soo rogay isu socodka degaanada Puntland iyo Gobolka Sool oo ay ku dagaalamayaan labada ciidan ee Puntland iyo Somaliland.
Qoraal kasoo baxay guddiga difaaca Puntland ayaa lagu joojiyey Gaadiidka sida shidaalka isaga goosha wadada u dhaxeysa Garoowe iyo Laascaanood, siiba goobaha ay isku hor fadhiyaan ciidamada ee deegaanka Tuka-raq ee Gobolka Sool.
Waxaa kaloo amarrada ka mida in dadka isaga gudbaya labada dhinac laga joojiyo socdaalka ay ku tegayaan goobta dagaalka, kuwa wata gaadiidka yaryar iyadoo baaritaan xoog leh lagu soo rogay gaadiidka ka imaanaya Laascaanood.
HOOSKA AKHRISO QORAALKA