Xafiiska Madaxweynaha Puntland ayaa war cusub kasoo saaray markabkii hubka siday ee MV Sea World, iyadoo shaacisay inuu markabkaas weli ku socdo baaritaan.
War-saxaafadeedka oo uu akhriyay afhayeenka Madaxweyne Siciiid Deni ayaa lagu cambaareeyay warkii maanta kasoo baxay dowladda federaalka Soomaaliya. Puntland waxay sheegtay in dowladda federaalka aysan la xiriirin, wax cadeyn ahna aysan keenin ilaa hadda inay markabkaas leedahay.
Puntland waxay caddeysay in markabka uu kaliya uu sido Hub, balse aysan saareyn badeeco ganacsi ah, sida ay sheegtay dowladda federaalka; waxayna iska fogeysay inay ciidamada Puntland soo qabteen Markabka, iyadoo ku dooday inay dhallinyaro kalluumeysato ah ay uga hormareen ciidamada, sidaasina ay ciidamada ku tageen markabka
Hoos ka akhriso