Wednesday, June 25, 2025

Puntland oo dacwad ku soo oogtay Telefishanka Universal iyo xayiraadyo cusub oo lagu soo rogay

Puntland ayaa dacwad ku soo oogtay telefishanka Soomaaliga ee Universal, kadib markii ay dhowaan ka joojiisay inuu ka howlgalo degaanada Puntland.

Wasaaradda Warfaafinta Puntland ayaa amar ku siisay dhammaan shirkadaha naahiya Telefishanada ee Puntland inay Hawada ka saaraan Universal TV.

Amarkan ayaa shirkadaha Isgraasiinta faraya inay Internet-ka ka xanibaan Youtube-ka iyo websiteka UNIVERSAL leeyahay.

Labada shirkadood ee ka ganacsada baahinta TV-ada Dsat TV iyo Ileys TV  ayaa si degdeg ah uga saaray telefishanka Universal, waxaana lagu wadaa in shirkadaga Internet-ka laga xanibo baraha telefishanka.

Wararka ayaa sheegaya in xeer ilaaliyaha Puntland ayaa loo diray qoraal dacwad ah oo la sheegay in Wasaarada warfaafinta Puntland ku soo oogtay Telefishinka Universal.

Puntand ayaa si weyn uga carootay goosgoos laga sameeyay madaxweynaha maamulkaasi, taasoo keentay in shaqada laga joojiyo telefishanka, kadibna dacwad lagu soo oogo.

Goobjooge.com

NAGULA SAAXIIB BARAHA BULSHADA: Like Saar

161,065FansLike
2,523FollowersFollow
5,990FollowersFollow

NAGU SOO BIIR

161,065FansLike
2,523FollowersFollow
5,988FollowersFollow

TOP NEWS

XOGAHA QARSOON