Wednesday, July 2, 2025

Puntland oo go’aan culus ka qaadatay ka qeyb galka shirarka wada-tashiga Hiigsiga cusub ee Soomaaliya

Maamulk Puntland aya go’aan cusub ka qaatay ka qeyb galka shirarka hiigsiga cusub ee 2016 oo lagu balamay in kadib caleemo saarkii madaxweynaha Jubba Axmed Madoobe. Shir wadatashi ah oo la sheegay in 20-ka bishan uu ka dhacayo Muqdisho iyo mid kale oo dhinac socda laguna qabanayo Kismaayo ayay gebi ahaanba Puntland   ka hor timid shirarkaasi.

QURANJECEL

Afhayeenka Madaxtooyada Puntland C/llaahi Maxamed Jaamac ayaa  warbaahinta Garowe u sheegay in Puntland aysan ka qeyb gali doonin shirka looga hadlayo Hiigsiga Soomaaliya 2016 ee la sheegay inuu ka dhacayo Magaalada Kismaayo 19-ka Bishan. Wuxuuna intaas raaciyay in Puntland ay weli qabto tabasho ku saabsan wax qeybsiga siyaasada Soomaaliya isla markaana aysan horay uga qeyb  gelin shirkii wada tashiga ee Muqdisho lagu qabtay Bishii July ee la soo dhaafay.

 

Shirkii Muqdisho lagu qaban lahaa oo Ra’iisal wasaare Cumar C/rashiid, madaxweynaha Puntland C/weli Gaas  iyo Axmed Madoobe ku heshiiyeen inuu Kismaayo ka dhacay ayaa hadda waxaa muuqda in Puntland qaadacday iyadoo ay tani sii fogeyn mowqifka  Puntland.

Goobjooge.com

[ad name=”HTML-1″]

NAGULA SAAXIIB BARAHA BULSHADA: Like Saar

161,065FansLike
2,523FollowersFollow
5,990FollowersFollow

NAGU SOO BIIR

161,065FansLike
2,523FollowersFollow
5,988FollowersFollow

TOP NEWS

XOGAHA QARSOON