Sunday, July 13, 2025

Puntland oo joojisay xil wareejintii xafiiska Hay’adda Socdaalka & Jinsiyadaha Soomaaliya

Maamulka Puntland ayaa joojiyey xil wareejinta xafiiska Hay’adda Socdaalka iyo Jinsiyadaha Soomaaliya ee magaalada Garowe kadib markii dowladda Soomaaliya ay mas’uul cusub u magacawday .

Qoraal ka soo baxday ku simaha madaxweynaha Puntland Axmed Karaash ayaa lagu amray agaasimaha guud ee hay’adda Socdaalka iyo Jinsiyadda Soomaaliya, in uu hakiyo munaasabadda xil-wareejinta xafiiska hay’addaasi ee caasimadda Puntland.

Amarkan ayaa soo xigtay qoraal ka soo baxay agaasimaha guud ee hay’adda Socdaalka iyo Jinsiyadda dowladda Federaalka Maxamed Aaden Koofi oo ku taariikhaysan 8-dii bishan January 2020, kaasi oo agaasime cusub loogu magacaabay xafiiska  hay’adda Socdaalka iyo Jinsiyadda ee Puntland.

Agaasimaha cusub ee xafiiska  hay’adda Socdaalka iyo Jinsiyadda dowladda Federaalka u qaabilsan Puntland, ayaa loo magacaabay, Cabdullaahi Cismaan Ismaaciil, halka agaasimihii hore ee xafiiskaasina loo wareejiyay xarunta dhexe hay’adda Socdaalka iyo Jinsiyaddu ku leedahay magaalada Muqdisho.

NAGULA SAAXIIB BARAHA BULSHADA: Like Saar

161,065FansLike
2,523FollowersFollow
5,990FollowersFollow

NAGU SOO BIIR

161,065FansLike
2,523FollowersFollow
5,988FollowersFollow

TOP NEWS

XOGAHA QARSOON