Maamulka Puntland ayaa diidmo cusub ka hor keenay wax ka bedelka Dastuurka KMG ah ee Soomaaliya iyadoo soo saartay warsaxaafadeed ay ku eedeysay Baarlamaanka Soomaaliya inuu wax ka bedelay dastuurka, arrintaas oo xaqiiqadeedu tahay in la soo bandhigay qaabka wax looga bedelayo dastuurka oo ay ka soo shaqeeyeen Guddiyada madaxa bannaan ee Dastuurka iyo Guddiga Dastuurka ee Baarlmaanka.
Puntland ayaa ku doodeysa in nidaamkii federaalka loo bedelay nidaam awood dhexe.
HOOS KA AKHRI WARSAXAAFADEEDKA MADAXTOOYADA PUNTLAND OO LA SOO SAARAY IYADOO C/WELI GAAS KU SUGAN YAHAY ITOOBIYA
Goobjooge.com