Warsaxaafadeedkii ugu yaabka badnaa ayaa kasoo baxay maanta Madaxtooyada Puntland, kaaso intiisa badan ku saabsanaa duqeyntii Mareykanku ku qaaday degaanka Jeexdin.
War-saxaafadeedka oo uu ku saxiixnaa Afhayeenka Madaxweynaha Puntland C/llaahi Maxamed Jaamac (Quraan-jecel) waxaa lagu marka hore lagu caddeeyay in duqeyntii Jeexdin lagu dialy saraakiil sare oo Alshabaab ah, kadibna waxaa lagu eedeeyay maamulka Galmudug oo kaashanaya isbaheysigooda Alshabaab sida war-saxaafadeedka ku qoran inay weerar ku soo qaadaan degmada Galakacyo saaka.
War-saxaafadeedka madaxtooyada Puntland waxaa lagu soo gabagabeeyay in Puntland u diyaar garowdo dagaal ay isaga difaacdo Galmudug iyo Alshabaab.
Puntland oo hore uga gaabsatay ka hadalka duqeyntii Jeexdin, waxay hadda u muuqataa inay iibineyso siyaasad ah in Alshabaab iyo Galmudug isbaheysi leeyihiin ayna duullaan ku yihiin Puntland, taasoo ah wax lala yaabo.
HOOS KA AKHRI WAR-SAXAAFADEEDKA PUNTLAND
Goobjooge.com