Saturday, July 5, 2025

Puntland oo ku dhawaaqday in Kiiskii ugu horeeyay ee cudurka Coronavirus oo laga helay degaanadeeda.

Maamulka Puntland ayaa shaaciyay caawa in degaanada maamulkaasi laga helay kiiskii ugu horeeyay oo ah cudurka Coronavirus.

Guddiga ka hortagga Coronavirus ee maamulka Puntland ayaa shaaciyay in cudurka Covid-19 laga helay mid ka mida laba qof oo baaritaan lagu sameeyay markii looga shakiyey, waxaan qofka cudurka laga helay uu yahay nin 33 sano jir ah oo aan wax safar ah gelin.

Kiiskan ayaa muujinaysa in dad kale oo ku sugan gudaha degaanadaasi uu ka qaaday Cudurka. Guddigu wuxuu kaloo sheegay in 5 qof oo cusub la karantiilay maanta oo ay taariikhdu tahay (19 April 2020), dadkaasi oo baaritaan laga qaadi doono.

NAGULA SAAXIIB BARAHA BULSHADA: Like Saar

161,065FansLike
2,523FollowersFollow
5,990FollowersFollow

NAGU SOO BIIR

161,065FansLike
2,523FollowersFollow
5,988FollowersFollow

TOP NEWS

XOGAHA QARSOON