Dowlad Goboleedka Puntland ayaa ku dhawaaqday xilliga la qabanayo doorashada xubnaha Aqalka Sare ee Baarlamaanka Federaalka, kadib markii uu madaxweynaha maamulkaasi soo saaray liiska 22 musharax.
Guddoomiyaha Golaha Wakiillada Puntland Cabdirashid Yuusuf Jibriil ayaa isla maanta magacaabay Guddiga Qabshada Doorashada Baarlamaanka Puntland ee senatoorada Aqalka Sare oo ka kooban 5 xubnood oo kala ah:
1- Axmed Jaamac Cabdulle Guddoomiye
2- Sharmaarke Cali Cilmi
3- Cabdiraxmaan Jaabiri Samatar
4- Cabdirisaaq Maxamed Sahan
5- Cabdiqani Nuur Faarax
Guddoomiyaha Golaha Wakiillada Puntland ayaa ku dhawaaqay in Berrito oo Arbaco ah, kuna beegan 11-ka Ogost 2021, ay ka dhici doonto Doorashada 11 ka mida Xildhibaannada Aqalka Sare ee kasoo jeeda Puntland.
