Puntland ayaa war saxaafadeedkii ugu cusla kasoo saartay xaaladda siyaasadeed ee dalka, howlaha Doorashada ee socda, iyadoo ku hanjabtay inay qaadan doonto tallaabo Gooni isu tag ah oo ay uga baxeyso dowladda Federaalka Soomaaliya.
War-saxaafadeed kasoo baxay Madaxtooyada Puntland ayaa lagu qaadacday dhammaan Sharciyada uu ansixiyey Baarlamaanka Federaalka iyo Xeerarka doorashooyinka ee horyaala Golaha Shacabka, waxaana lagu caddeeyay inaan wax tixgelin is afgaradkii lagu gaaray kulankii khadka Internet-ka ee 22 bishan June dhex maray Madaxda Dowladda Federaalka iyo Dowlad Goboleedyada ee ku saabsanaa in la joojiyo doodda Golaha Shacabka ee la xiriirta Xeerarka Doorashada.
Puntland waxay ka digtay in shuruucda dalka lagu salleeyo damac gaar ah iyo rabitaanka Madaxda dalka, iyadoo loo marayo habraacyo aan waafaqsaneyn Dastuurka KMG, laguna dhiiranayo been abuur iyo is daba marin sida uu caddeeyay Guddoomiyaha Aqalka Sare qoraalkiisii shalay.
Qoraalka Puntland ayaa lagu sheegay inaysan qeyb ka ahayn, kana qeyb geli doonin dhaqan gelintooda go’aannada Baarlamaanka 10-aad ee la xiriira arrimaha doorashada iyo kheyraad qeybsiga.
Waxay Puntland ugu danbeyn ku hanjabtay inay ka go’an tahay qaadashada go’aan kasta oo u ogolaanaya Dastuurkeeda isla markaana ku xusnaa go’aanadii ka soo baxay shirkii Wadatashiga Puntland ee ka dhacay Garowe 15-17 bishii Maarso 2020, haddii ay adkaato xal u helist arrimaha siyaasadeed ee murugsan ee wadatashigooda loo balansan yahay, isla markaana ay ka waantoobi waayaan madaxda dowladda Federaalka maroorsiga talada aayaha dalka iyo hareer marida Dastuurka. Waxayna arrintaas ishaareysaa inay gooni isu taag ku dhawaaqi doonto.



