Puntland ayaa sheegtay in ay qabteen in ka badan 30 maleeshiyo oo ka tirsan Maleeshiyadii Alshabaab ee ka dagaalameysay Togga Suuj ee gobolka Nugaal, waxaana dadka dhintay ku jira horjoogeyaal laga magacaabay laba ka mida.
Wasiirka Warfaafinta Puntland Maxamuud Xasan Soocade ayaa sheegay in saxaafadda loo bandhigi doono dadka la soo qabtay iyo meydadkaba.
Horjoogeyaasha ayuu magacyadooda ku sheegay:
Horjooge Muxsin Cali Guuleed oo ahaa mas’uulka Alshabaab u qaabilsan Dhaqaalaha Koofurta Somaliya, wuxuuna u dhashay magaaladda Jowhar Ee Gobolka Shabeelaha Dhexe.
Cali Maxumad oo kasoo jeeda magaaladda Burco oo ka mid ahaa Saraakisha sar sare ee hogaamineysay Howlgalkaan.
Lama sheegin saraakiil kale oo kasoo jeeda degaanada Puntland, waxayna Puntland u muuqataa inay ku mashquulsan tahay sida dagaalka dhex maray Alshabaab ugu fasiri lahayd mid uga yimid degaano kale oo beelo kale ku soo duuleen.
DHAGEYSO WASIIR SOOCADE
Goobjooge.com