Sunday, July 13, 2025

Puntland oo shaacisay in Dadkii ugu badnaa laga helay Cudurka Covid-19 (Wasiir & xildhibaan ka mida)

Puntland ayaa shaacisay tiradii ugu badneyd ee laga helay cudurka Coronavirus degaanada maamulkaasi, iyadoo 22 qof oo laga baaris lagu sameeyay in laga helay 17 ka mida.

Dadka la baaray ayaa ahaa dad xiriir la leh dadkii hore looga helay cudurka oo kala jooga Gobollada Puntland, waxaana dhintay qof ka mid ahaa dadka la baaray oo ka mida 17-ka qof ee laga helay cudurka.

Dadka laga helay cudurka ee Puntland shaacisay waxaa ku jira wasiir ka tirsan xukuumadda Puntland iyo xildhibaan ka tirsan Golaha Wakiilada Puntland.

Tirada guud ee dadka cudurka Coronavirus laga helay degaanada Puntland waxay hadda gaartay 76, waxaana cudurka u dhintay 3 qof.

Image

NAGULA SAAXIIB BARAHA BULSHADA: Like Saar

161,065FansLike
2,523FollowersFollow
5,990FollowersFollow

NAGU SOO BIIR

161,065FansLike
2,523FollowersFollow
5,988FollowersFollow

TOP NEWS

XOGAHA QARSOON