Maamulka Puntland ayaa u jawaabay Warkii shalay kasoo yeeray Wasiirada xukuumadda Soomaaliya ee looga hor yimid qaar ka mid qodobadii kasoo baxay shirkii wada-tashiga Puntland.
Shir jaraa’id oo ay goor dhoweyd magaalada Garowe ku qabteen Wasiiro ka tirsan Puntland ayaa lagu dhaliilay wasiiradii dowladda Soomaaliya oo lagu sheegay inaysan iska rogi karin eedaha faragelinta ay ku heyso maamul Goboleedyada oo ay ciidamo u daadgureyneyso gobollo nabadoon iyadoo Muqdisho ay qaraxyo ka socdaan oo ay kala xiran tahay, sida uu yiri Wasiirka Arrimaha Gudaha Puntland Maxamed Cabdiraxmaan Dhabanacad.
Wasiirka wuxuu fasiraad ka bixiyey socdaalka uu Madaxweyne Siciid C/llaahi Deni ku tegayo magaalada Muqdisho, wuxuuna sheegay inuusan ahayn mid socdaal shaqo iyo wadahadal lagula gelayo madaxda dowladda Federaalka ee uu yahay socdaallo casuumaad ah oo lagu qabanqaabinayo shirka ka dhacaya Garowe ee la isugu keenayo maamul Goboleedyada iyo dowladda Federaalka.
Iyadoo la weydiiyay Wasiir Dhabancad waxa looga jeedo saamileyda siyaasadda ee lagu xusay War-murtiyeedka shirka Garowe ayuu sheegay in loola jeedo inta ay ka go’do talada ee Soomaaliya, isagoo aan faahfaahin ka bixin.
Waxaa muuqata in Wararka ayaa sheegaya-murtiyeedka kasoo baxay shirkii wada-tashiga Puntland uu buuq ka dhashay, iyadoo ay kasoo shaac baxday inay jirto qolo awood badan leh oo danahooda siyaasadeed ku darsaday War-murtiyeedka, iyadoo aysan muuqan inuu dhaqangeli karo.