Monday, July 7, 2025

Puntland oo waxba kama jiraan ku tilmaantay Qoraalkii kasoo baxay Guddoomiye Jawaari

Maamul Goboleedka Puntland ayaa waxba kama jiraan ku tilmaantay go’aano ka soo baxay Guddoomiyaha Baarlamaanka Soomaaliya oo ku saabsan heshiis gaara oo laga gaaray Doorashada xubnaha labada aqal ee Baarlamaanka.

 Qoraal kasoo baxay madaxtooyada Puntland ayaa waxba kama jiraan ku tilmaamay qoraalada kasoo baxay Guddoomiyihii hore Baarlamaanka Dawladda Federaalka Soomaaliya.
Puntland ayaa si weyn uga horjeeda heshiiska siyaasiyiinta ka soo jeeda Somaliland lala galay.

Hoos ka akhriso Qoraalka:

Puntland iyadoo tixraacaysa go’aamadii Madasha Qaran ee 22-25, Jun, 2016 iyo kuwii ka horeeyay ee lagu qaybiyay xubnaha aqalka sare ee Gobolada Waqooyiga.

Iyadoo Madashu Qaran horay uga gaartay heshiis habraaca loo qaybinayo xubnahaas, ayay Puntland waxay ku tilmaamaysaa wax aan waxba ka jirin qoraalka uu soo saaray Guddoomiyihii hore Baarlamaanka Dowladda Federaalka ah ee Soomaaliya oo hadda ah Xildhibaan aan wali la dhaarin Mudane Maxamed Cismaan Jawaari.

Madaama madashu ay horay u dhammaystirtay dhammaan   qaybsiga  ku saabsan sida loo maamulayo hannaan doorashada aalka sare ee ka imaanaya gobolada Waqooyiga Soomaaliya.

Puntland waxa ay cadaynaysaa in ay ku taagan tahay go’aankii ka soo baxay kulankii madasha qaranka oo ku saabsanaa xalinta saami qeybsiga iyo hannaanka doorashada xubnaha aqalka sare ee Somaliland iyo sidoo kale heshiiskii 12 April 2016 oo soo afjaray  hannaanka dhismaha aqalka sare ee baarlamaanka iyo saami qeybsiga kuraasta beelaha wada dega Waqooyiga Soomaaliya, saami qeybsigaasi oo ah mid isku dheeli tiran oo loo wada dhan yahay.

Sidoo kale madashu  waxa ay go’aamisay in qoondada 3 kursi gaar u leeyihiin beelaha Sool, Bariga Sanaag iyo Buuhootle oo hal kursi ka mid ah ay leeyihiin beelaha laga tiran badan yahay ee degan deeganadaasi.

Waxaa loo xil saaray maal merinta heshiisyadaasi madaxda dowladda federaalak ah ee Soomaaliya, sidaa darteed Puntland waxa ay u aragtaa qoraalka ka soo baxay xafiiska gudoomiyihii hore ee baarlamaanka Soomaaliya oo lagu magacaabo xubno iyo samaynta habraacyo hor leh oo aan la isla ogeyn, waana mid khatart gelin karta dhammaan hannaankii doorashooyinka ee socday maadaama qoralaadi ay yihiin kuwo dib loogu fur-furayo heshiisyadii horey la isku raacay.

Puntland waxa u sheegaysaa madasha qaranka ee Soomaaliya in haddii aan laga fiirsan , isla markaana aan wax laga qaban qorshaha cusub ee uu la yimid gudoomiyihii hore ee baarlamaanka Soomaliya Mudane Jawaari oo aan isagu wax awood sharci ah u lahayn fara gelinta iyo samaynta hab-raaca khilaafsan habka wada ogolka ah ee madashu ku go’aan qaadato, in ay Puntland u arkayso bur-burin loogu tala galay doorashooyinka dadban ee 2016-ka.

Waxa ay ugu baaqaysaa puntland madasha qaranka in ay meel uga wada soo jeestaan go’aamada ak soo horjeeda wada shaqaynta madasha qaran ee Soomaaliya oo iyada ka wakiil ah ilaalinta heshiisyadii horay loo gaaray.

Puntland waxa ay xusuusinaysaa wakiilka Qaramada Midoobay ee Soomaaliya, beesha caalamka in Puntlan marnama aysan aqbali doonin in xubnihii ay lahaayeen beelaha Sool, bariga Snaag iyo Buuhoodle ee ahaa 3-da kursi in gudoomiye Jawaari u magacaabo xuno aan matalin deegaanadaasi.

Waxa ay Puntland ugu yeeraysaa madasha qaran ee Soomaaliya, wakiilka  midoobay ee Soomaaliya iyo beesha caalamka ilaalinta dhammaan heshiisyadii la galay si dalka looga hirgeliyo doorashooyin loo wada dhan yahay .

DHAMMAAD

NAGULA SAAXIIB BARAHA BULSHADA: Like Saar

161,065FansLike
2,523FollowersFollow
5,990FollowersFollow

NAGU SOO BIIR

161,065FansLike
2,523FollowersFollow
5,988FollowersFollow

TOP NEWS

XOGAHA QARSOON