Dowlad Goboleedka Puntland ayaa albaabada u laabtay xafiiskii Guddiga Doorashooyinka Qaranka Soomaaliya ee magaalada Garowe, waxaana Guddigaasi laga mamnuucay inuu ka howlgalo degaanada Puntland.
Qoraal uu soo saaray Wasiirka Arrimaha Gudaha maamulka Puntland Maxamed C/raxmaan Dhabancad ayaa lagu wargeliyay Maamulka Gobolka Nugaal, in xukuumadda Puntland ay xirtay Xafiiskii Guddiga Doorashooyinka dowladda Federaalka Soomaaliya uu ku lahaa Garowe, laga bilaabo maanta oo ku beegan 6 February 2020.
Arrintan ayaa imaaneysa iyaoo Guddiga Doorashooyinka ay wadaan seminaaro ku saabsan doorashada soo socota, waxayna caddeyn u tahay khilaafka u dhaxeeya dowladda Federaalka iyo maamulka Puntland.
HOOS KA AKHRISO