Maxkamadda Ciidammada Qalabka Sida ee Gobolka Mudug, maamulka Puntland ayaa 17 ruux ku xukuntay Dil toogasho ah, markii lagu helay Alshabaabnimo iyo dilka dad fara badan.
Dadka oo lasoo taagay maxkamadda oo ahaa 18 qof ayaa lagu helay inay ku lug lahaayeen dilka ilaa 300 qof ruux oo 13 kii sanno ee u dambeysay siyaabo kala duwan loogu dilay degaannada Puntland iyo falal argagixiso.
Qof ka mida ayaa lagu xukumay xabsi daa’in, halka inta kale oo ah 17 lagu xukumay in mid kasta la toogto, waana tiradii ugu badneyd ee maxkamad ku taalla mar qura lasoo taago oo toogasho lagu wada xukumo.
Waxaa lagu helay inay ka tirsanaayeen Al-Shabaab, iyadoo qaarkood xill hore muuqaallo lagu wareysanayo looga duubay, waxayna qirteen inay dilal geysteen iyo ka mid ahaanshaha Al-Shabaab.
dadka ku geeriyooday weerarrada ay kooxdaan geysan jireen waxay ahaayeen dad wax-tar u lahaa Bulshada, oo ay ugu horreeyaan odayaasha dhaqanka, aqoonyahanka iyo suxufiyiin.
