Sunday, July 13, 2025

Q/Midoobay oo ka digtay Duufaan & Roob dabeylo wata oo ku wajahan Puntland iyo Somaliland (Akhriso)

Hay’adda Qaramada Midoobay ee Cuntada iyo Beeraha FAO ayaa ka digtay duufaan iyo roobab dabylo wata oo kusoo wajahan degaano ka mida Puntland iyo Somaliland, iyadoo dadka lagu wargeliyey inay ka fogaadaan xeebaha.

Duufaanta oo lagu magacaabp Kyarr ayaa la sheegay inay wado dabeylo culus iyo roobab ka di’i doona Puntland iyo Somaliland, waxayna awood u leedahay inay burburiso guryaha aan xoogga lahayn ee cooshadaha iyo qoryaha ka sameysan, iyadoo dhalin karta daadad xoog leh.

Duufaanta ayaa la filayaa inay ku dhufato inta badan degaanada Puntland iyo Somaliland 4 -ilaa 5-ta maalmood ee nagu soo fool leh, waxayna ku horeyn doontaa xeebaha Puntland oo ay ku dhufan doonto 96-ka saacadood ee fooda nagu soo heysa, kadibna ay ku fidi doonto degaanada Somaliland.

Maamulka Puntland ayaa dhinaciisa soo saaray saaray digniin ku wajahan kalluumeysatada iyo xoolo dhaqatada deegaanada Puntland, waxaana looga digay duufaanta, sida uu yiri Wasiirka Arrimaha Gudaha Puntland Maxamed C/raxmaan Dhabanacad.

Warbixinta halkan ka akhriso

NAGULA SAAXIIB BARAHA BULSHADA: Like Saar

161,065FansLike
2,523FollowersFollow
5,990FollowersFollow

NAGU SOO BIIR

161,065FansLike
2,523FollowersFollow
5,988FollowersFollow

TOP NEWS

XOGAHA QARSOON