Qaramada Midoobay ayaa toddobaadka soo socda bilaabaya SanduuqaDhismaha nabadda ee Soomaaliya, kaasoo loo qoondeeyay inay ku bixi doonto lacah dhan 30 Milyan oo Doollar.
Xafiiska Hawlgalka Qaramada Midoobay ee Taageerada Soomaaliya (UNSOM) ayaa shaaciyey shakay Qorshaha lagu taageerayo Nabadda Soomaaliya, iyadoo lagu taageerayo dadaallada nabadeed ee ka socda Soomaaliyeed, waxaana Sanduuqa uu maalgelin doonaa Mashaariic ay ka mid yihiin horumarinta Qaranka iyo dhismaha dib u heshiisiinta dalka.
Qaramada Midoobay ayaa taageeraysay geeddi-socodka nabadda Soomaaliya tan iyo 2009-kii, isagoo Sanduuqeeda taakuleyntana uu ku yaboohay ku dhowaad 45 Milyan oo Doollar oo lagu fuliyay mashaariic kala duwan.