Xafiiska Qaramada Midoobay ayaa qoraal kooban uga hadashay kulankii hordhaca ahaa ee ay maanta xarunta Afisyoone ku yeesheen madaxweynaha muddo xileedkiisu dhammaaday Maxamed C/llaahi Farmaajo iyo maamul Goboleedyada taageersan.
Qoraalka UNSOM ayaa lagu sheegay in kulankaasi uu hordhac u ahaa shirka qorsheysan, ayna ka qeyb galeen qeyb ka mida madaxda dowlad Goboleedyadam waxayna talo ahaan usoo jeedisay in maalmaha ay madaxdu yeeshaan shirar aan rasmi ahayn si loo gaaro ka eyb gal loo dhan yahay.
“Qaramada Midoobay waxay ka war haysaa kulanka maanta ee horudhaca u ahaa Shirka la qorsheeyay inuu Muqdisho ku qabsoomo oo ay goob jog u ahaayeen qaar ka mida Dawladaha Xubnaha ka ah Federaalka; waxay Qaramada Midoobay ku baaqaysaa kulamo aan rasmi ahayn oo dheeraad ah, si loo xajiijiyo kasoo qaybgakii loo baahnaa oo ah mid dhammeystiran, si is-afagarad looga gaaro fulinta qaabka doorasho ee 17-kii September” ayaa lagu yiri qoraalka kooban ee Xafiiska Qaramada Midoobay ee Soomaaliya.
Shirkii maanta ayaa waxaa keli ku noqday, Farmaajo, Qoorqoor, Cali Guudlaawe, iyo Cumar Filish, waxaana goobjoog ka ahaa Maxamed Xuseen Rooble, iyadoo ay ka baaqsadeen Siciid Deni iyo Axmed Madoobe.
