Xafiiska Qaramada Midoobay ee Soomaaliya ayaa war kasoo saaray codsi ka yimid Dowladda Soomaaliya oo keenay in xafiiska Qaramada Midoobay ee Soomaaliya uu xiro xaruntii ay ku shaqeyn jirtay ee rakaabka (MOVCON) ee Garoonka diyaaradaha caalamiga ah ee Aadan Cadde, laga bilaabo 24ka Diseembar 2021.
“Qaramada Midoobay waxay Soomaaliya uga shaqeysaa iyadoo si buuxda u ixtiraamaysa sharciga Soomaaliya iyadoo la raacayo shuruudaha Heshisika Hawlgalka iyo heshiisyada kale ee ay kala saxiixdeen Somaliya iyo hay’adaha Qaramada Midoobay, sida Axdiga Qaramada Midoobay iyo Axdiga Xuquuqda iyo Xasaanadda ee Qaramada Midoobay” ayaa lagu yiri Qarka kasoo baxay UNSOM
Qoraalka Qaramada Midoobay waaxa ka mid ahaa: “Waxaan si dhab ah u qaadaneynaa walaac kasta oo ay Dowladda Federaalku ka muujin karto hawlgallada Qaramada Midoobay waqti kasta, waxaanan ka xunnahay in tilmaamahan xiritaanka si lama filaan ah loo soo saaray oo aan laga yeelan wadatashi ku filan”.
Xafiiska UNSOM ee Soomaaliya wuxuu sheegay inuu aad uga xun yahay in xiritaanka sida muuqata ay sabab u tahay eedeymo aan weli si faahfaahsan loogu soo bandhigin Qaramada Midoobay si loo sameeyo baaritaan.
Wadahadalo dheeraad ah oo arrintan ku saabsan ayey sheegtay inay la maalmaha soo socda la yeelanaaan madaxda dowladda Federaalka.
