Mid ka mida qisooyinka xanuunka leh ee laga diiwaangeliyey Qaraxii weynaa ee shalay ka dhacay Ex. Kontrol Afgooye oo warbaahinta caalamka ay faafisay ayaa ku dhacday gabar aroos cusub ahayd oo saygeeda ku weyday qaraxa.
Xaaladda qabsaday Qaali Ibraahim oo 18 jir ahayd ayaa ah in seygeeda Mukhtaar abuukar oo muddo afar bilood oo kaliya ay is qabeen uu ku dhintay Qaraxa, wuxuuna jirkiisa noqday mid gubtay oo aan la aqoonsan karin, waxaana xanuunka sii kordhiyey iyadoo sida lagu aqoon lahaa ay adkaatay.
Sida ay qortay Wakaalada wararka ee reuters Qaali waxaa wacday taleefanka seygeeda Mukhtaar Abuukar, oo daqiiqado ka hor ka baxay guriga, si uu nolol maalmeedkiisaa shaqo u guda galo, kaddib markii ay maqashay dhawaaqa qarax xooggan oo ka dhacay meel ku dhow gurigooda.
“Taleefanka aad wacday lama heli karo” ayaa durba loogu jawaabay taleefankii ay garaacday oo seygeeda ahaa, saacado murugo ah ka hor inta aysan xaqiiqsan geeridiisa iyada iyo sodoheed ayaa bilaabay inay Isbitaaladaa ka baadigoobaan, waxaana markii dambe ay aqoonsadeen qeybo ka mid ah jirkiisa oo gubtay.
Qaali ayaa ka aqoonsatay seygeeda qeybo ka mid ah jirkiisa oo aad u gubtay mid ka mid ah farahiisa oo nabar ay bar-garaneysay ku yaallay, waxaana sidaas ay ku xaqiiqsatay meydkiisa oo ay markii dambe soo aaseen qeybo ka mid ah jirkiisa.
“Waxaan wada joognay xalay” ayay tiri Qaali oo aad u murugeysan, iyadoo leh Uur 3 bilood ah waxaa uu seygeeda oo 35 jir ahaa ka shaqeynayay dhismayaasha guryaha, isagoo ka mid ahaa dadka danta yar ee xoogsatada ah.
Qisooyinka uu reebay qaraxan ayaa ah kuwo wada xanuun badan, waxaana ka mida 8 bilood bir dhaawac halis ah qaba oo hooyadiis ku waayey qaraxa, xaaladiisuna adag tahay.