Monday, July 14, 2025

Qaar ka mida dalalka Islaamka oo Boqortooyada Sacuudiga ku khilaafay Ciidul Adxaa [Akhriso Magacyada]

Qaar ka mida dowladaha Islaamka ayaa ku khilaafay Sacuudiga maalinta ay ku beegan tahay Ciidul Adxaa iyo dhalashada bisha Carafo ama Dulxaj ee sanadkan 1439 Hijriyadda.

Sacuudiga ayaa xalay ku dhawaaqay xalay in maanta oo Axad ah 12-ka Ogost ay tahay maalinta koowaad ee Bisha Carafo, isla markaana maalinta koowaad ee Ciidul Adxaa ay ku beegan tahay Talaadada oo ku beegan 21-ka Ogost, laakiin dalalka Indonesia, Maleysia, iyo Brunei ayaa shaaciyay inayasan xalay arkin bishii sidaas darteedna ay Ciidul Adxaa ku beegan tahay 22-ka Ogost oo ku beegan maalinta Arbacadda.

Dalalkan ayaa sheegay in maanta ay dhameystirayaan bisha Dul-Qacda (Sidataal) oo maalintii 30-aad ay noqoneyso maanta, laakiin dalal kale ayay maanta u tahay bisha Sidataal 29. dalalkaasoo kala ah Pakistan, Iiraan, Bangladesh iyo Srilanka, waxayna dalalkaasi Ciidul Adxaa u noqon doontaa Arbacada ama Khamiista.

Dalal badan ayaa Sacuudiga ku raaca Ciidul Adxaa oo ku xiran acmaasha xajka, laakiin dalal kale oo u badan kuwa Aasiya ayaa si gaara u qaata go’aanadooda, iyagoo aan ku xirneyn Sacuudiga.

NAGULA SAAXIIB BARAHA BULSHADA: Like Saar

161,065FansLike
2,523FollowersFollow
5,990FollowersFollow

NAGU SOO BIIR

161,065FansLike
2,523FollowersFollow
5,988FollowersFollow

TOP NEWS

XOGAHA QARSOON