Qaar ka mida macaamiisha heysta telefoonada shirka Hormuud ee ugu weyn shirkadaha Isgaasiinta Soomaaliya ayaa cilad yaab leh soo wajahday maalmihii ugu danbeeyay.
Ciladan ayaa la sheegay inay bilaabatay Arbacadii 25-ka Janaayo oo ku beegneyd qarixii k dhacay Hotelka Dayax ee magaalada Muqdisho, kadib markii ay hawada ka baxeen kumanaan SIM Card-ka shirkadda ah oo haddana dadkii sitay u shaqeynayay, waxaana dhacday in dadka heysta SIM-ka Hormuud aan la soo wici karin iyadoo dadka wacaya ay helayaan farriin ah inuu dansan yahay, laakiin xaqiiqadu tahay inuu qofka heysta u shidan yahay.
Qaar ka mida macaamiisha ayaa ka cabanaya inaan wax wargelin ah la siin isla markaana markii telafoonada ay ku daaleen kadib oo shirkadda la xiriireen loo sheegay inay cilad jirto. Waxayna sheegeen in muddo 4 maalmood ka badan  ay la’ yihiin adeeggii telafoonada iyo farriimaha.
Injineerada shirkadda ayaa gacanta kula jira arrintan sida ay sheegeen qaar ka mida shaqaalaha, waana cilad saameysay dad fara badan oo madaxda iyo shaqaalahaba shirkadda ka mid yihiin.
Waxaa is weydiin leh inaan shirkadda laga helin wax ogeysiin ah ama cudurdaar ah, taasoo ka duwan han dhaqankii shirkada ee hore, sida uu sheegay mid ka mida macaamiisha dhibaatadan heysato.
Shirkadda Hormuud oo ah tan ugu baaxad weyn Soomaaliya ayaa malaayiin qof u yihiim macaamiil, waxaana laga yaabaa in dadka adeeggeeda ku xiran ay ka badan yihiin qaadka Qalabka ay heysato, iyadoo xilliyadii la dareemi jiray marka xaalad degdeg ah dhacdo sida qaraxyo iwm in System-ku mashquul isu bedelo.
Goobjooge.com