Monday, July 14, 2025

Qaar ka mida Musharixiinta Madaxweynaha oo diiday qorshe ay wadato Beesha caalamka

Kulan dhex maray wakiilada beesha Caalamka, Guddoonka cusub ee baarlamaanka iyo qaar ka mida musharaxiinta xilka madaxweynaha ayaa lagu diiday qorshe ay wadatay Beesha caalamka.

Qorshaha Beesha Caalamka ayaa ahaa in degdeg loo qabto doorashada madaxweynaha Soomaaliya, taasoo ay ugu wacan tahay in Golaha ammaanka Q/Midoobay uu arrimaha Soomaaliya ka shiri doono aakhirka bishan loona baahan yahay in shirkaas ka hor ay Soomaaliya yeelato madaxweyne.

Musharxiinta xilka Madaxweynaha ayaa diiday dedejinta Doorashada madaxweynaha, waxayna beesha caalamka si cad ugu sheegeen inaysan suuragal ahayn degdeg lagu qabto doorashada oo u baahan  waqti lagu sameeyo guddi  Doorasho iyo in la dhameystiro Aqalka sare iyo guddoonkiisa, ayna helaan musharixiinta waqti ku filan.

Wakiilka Beesha caalamka ayaa ka digay dib u dhac kale oo ka dambeeya bishan Janaayo uu keeni karo fashil laga soo bixi waayay xiligii ay ahayd in lagu dhameystiro doorashada, waxaana shirkaasi lagu kala tegay natiijo la’aan.

Goobjooge.com

NAGULA SAAXIIB BARAHA BULSHADA: Like Saar

161,065FansLike
2,523FollowersFollow
5,990FollowersFollow

NAGU SOO BIIR

161,065FansLike
2,523FollowersFollow
5,988FollowersFollow

TOP NEWS

XOGAHA QARSOON