Sunday, July 13, 2025

Qaar ka mida Wadooyinka oo la xiray & Dowladda Somalia oo diyaarisay Ciidamada Amniga Bisha Ramadaan

Ciidamada Dowladda Federaalka Soomaaliya ayaa maanta xiray qeybo ka mida Wadooyinka Muqdisho, iyadoo loo diiday isu socodka Gaadiidka.

Wadadda Warshadaha ayaa la sheegay inay ciidamadu xireen, iyadoo dhowaan halkaasi loo rarray cidiamadii ku sugnaa Isgoyska Wadnaha, wadooyinka jidkaasi lagu jaray dhagxaan iyo biro ayaa saaka dadka degaanka ay sheegeen in ciidamadu xireen Isgoyska IVECO ilaa Warashadi Sigaarka 7 Taraqa.

Dhinaca kale waxaa Muqdisho xalay lagu soo bandhigay ciidamo la sheegay inay sugi doonaan amniga caasimadda bisha ramadaan ee foodda nagu soo heysa, waxayna ciidamadaasi ka kooban yihiin Boolis, NISA, Milateri iyo Asluub.

Ra’iisal wasaare ku xigeenka xukuuamadda Mahdi Maxamed Guuleed ayaa sheegay in ciidamada ay diyaar u yihiin fulinta Howlgalada loo tababaray kahor inta aysan dhalan Bisha Barakeysan ee Ramadaan.

Ciidamadaan ayuu sheegay in loogu magac daray (Ciidanka Wadajir) ay ka howlgali doonaan Magaalada Muqdisho, ayna qeyb ka yihiin Ciidamadii Asluubta ee dhawaan loo tababaray.

Ciidamadan ayaa qaarkood ay yihiin kuwo tababarr uu dhowaan u soo idlaaday oo lagu biiriyey ciidamad amniga ee xasilinta Muqdisho oo u diyaar garoobay bisha Ramadaan oo caadiyan ay Alshabaab weerarrada iyo qaraxyada ay ka fuliyaan caasimadda.

NAGULA SAAXIIB BARAHA BULSHADA: Like Saar

161,065FansLike
2,523FollowersFollow
5,990FollowersFollow

NAGU SOO BIIR

161,065FansLike
2,523FollowersFollow
5,988FollowersFollow

TOP NEWS

XOGAHA QARSOON