Friday, June 27, 2025

Qaar ka mida Xildhibaanadii taageerayay Kiiskii Qalbi dhagax oo ka baxay kulankii Baarlamaanka

Qaar ka mida xildhibaanada golaha shacabka ee ka horjeeday go’aankii ay xukuumadda Soomaaliya ka qaadatay sarkaalka ONLF C/kariin Qalbi dhagax oo lagu wareejiyay Itoobiya ayaa ka baxay kulanka Baarlamaanka ee ka socda xarunta golaha.

Xildhibaan Zakariye Xaaji Cabdi iyo Xildhibaan Mahad Maxamed Salaad ayaa ka mid xildhibaanada isaga tegay kulanka iyadoo ay socoto doodii ku saabsaneyd kiiska Qalbi Dhagax, taasoo ka dambeysay markii ay arkeen sida doodu u socoto iyo tirada xildhibaanada taageersan go’aanka xukuumadda.

Labadan  oo ka mida kuwa ugu cadcad ee arrintan ku taagnaa ayaa qoraallo ay baraha bulshada dhigeen ku sheegay in arrintan ay tahay khiyaano Qaran, waxaana ay rajo weyn ka qabeen in golaha shacabka ka hor imaan doono go’aankan.

Xildhibaannada Mahad iyo Zakariye ayaa sugi waayay gabagabada dooda xildhibaanada iyo  go’aanka laga qaadan doono, waxaana la arkayay iyagoo isaga baxaya xarunta Baarlamaanka.

Inta badan xildhibaannadii doodda ka jeediyay kulanka ayaa taageeray go;aanka xukuumadda iyagoo arrintan ku sheegay mid xukuumadda ay go;aan ka gaari karto.

Goobjooge

NAGULA SAAXIIB BARAHA BULSHADA: Like Saar

161,065FansLike
2,523FollowersFollow
5,990FollowersFollow

NAGU SOO BIIR

161,065FansLike
2,523FollowersFollow
5,988FollowersFollow

TOP NEWS

XOGAHA QARSOON