Wednesday, July 16, 2025

Qaar ka mida xildhibaannada Baarlamaanka oo ka hor yimid xil ka qaadistii Guddoomiyaha Maxkamadda Sare

Qaar ka mida xildhibannada Golaha Shacabka Baarlamaanka Federaalka Soomaaliya ayaa ka hor yimid xil ka qaadista madaxweyne Farmaajo ku sameeyay Guddoomiyihii Maxkamadda Sare ee dalka Ibraahim Iidle Suleymaan.

Guddoomiyaha Guddiga Arrimaha Dibadda ee Golaha Baarlamaanka Xildhibaan C/qaadir Cosoble Cali ayaa  sheegay in Madaxweynaha  looga baahan yahay in uu xuso qodobadda Dastuurka ama Xeerarka garsoorka ee uu u cuskaday xilka qaadista garyaqaan Iidle.

“Haddii dasturki aan la cuskan ama garsoorki xeerarkiisa aan la raacin waxay noqoneysaa in arinkaasi sida ugu dhaqso badan baarlamanka ka fariisto…” ayuu yiri Xildhibaan C/qaadir Cosoble Cali.

Xildhibaanka ayaa ku dooday in loo baahnaa in madaxweynaha uu faro xukuumadda inay dedejiso soo hordhigida baarlamanka ee Guddiga Adeegga Garsoorka oo marki u dambeysay ay codsatay in bil gudaheda ay ku keeni doonto barlamanka, si guddigaasi uu ugu soo gudbiyo xukumada qofka qaban kara xilalka garsoorka.

Waxaa arrintan sidoo kale ka hadlay xildhibaanno kale oo dalbaday in arrintan la hor keeno Baarlamaanka si cod loogu qaado, waxaana xaaladda uga sii daray markii uu xilka qaadista lagu sameeyay ku gacan seyray Guddoomiye Iidle.

NAGULA SAAXIIB BARAHA BULSHADA: Like Saar

161,065FansLike
2,523FollowersFollow
5,990FollowersFollow

NAGU SOO BIIR

161,065FansLike
2,523FollowersFollow
5,988FollowersFollow

TOP NEWS

XOGAHA QARSOON