Waxaa magaalada Muqdisho ka socda qabanqaabadii ugu danbeysay ee lagu doonayo in dibadda loogu qabo dhaawacyada qarixii is-miidaaminta ahaa ee shalay galab ka dhacay Xarunta maamulka Gobolka Banadir.
Dhaawacyada oo ay ka mid yihiin Guddoomiyaha G/Banaadir C/raxmaan Cumar Yariisow iyo Guddoomiyaha degmada Wardhiigley Seynab Xaabsey, waxaa kaloo ka mida mas’uuliyiin ka tirsan Gobolka oo dhaawacyadooda yihiin kuwo culus, kuwaasoo waxba looga qaban waayey magaalada Muqdisho.
Wararka laga helayo xaaladda caafimaad ee Guddoomiye Yariisow ayaa sheegaya in xalay qalliin looga sameeyay Caloosha, waxaana dhaawacyadu ka gaareen madaxa iyo caloosha, isagoo weli koomo ku jira, waxaana loo diyaariyey si loogu qaado dibadda, iyadoo diyaarad caafimaad oo ay soo dirtay dalka Qatar ay ku sugan tahay Groonka Diyaaradaha magaalada Muqdisho.
Guddiga Gurmadka ee xukuumadda arrintan u magacawday ayaa wada howsha isku duba ridka dadka dibadda loo qaadayo, waxaana lagu wadaa saacadaha soo socda in Muqdisho laga dhoofiyo dhaawacyada uu ka midka yahay Guddoomiye Yariisow oo madaxda Gobolka banaadir ay dadka ka codsadeen in loo duceeyo.