Ra’iisal wasaarihii hore ee Soomaaliya, ahna musharax u taagan xilka madaxweynaha Maxamed Cabdulaahi (Farmaajo) ayaa ku soo wajahan Magaalada Muqdisho.
Taageerayaasha Farmaajo ayaa ku jira qabanqaabadii ugu danbeysay oo lagu doonayo in lagu soo dhoweeyo musharaxan oo shacbiyad weyn ku leh caasimadda.
Waxaa Muqdisho ku soo ququlaya musharixiin xilka Madaxweynaha oo kaliya yimaada caasimadda xiliga ay xil doonka yihiin, waxaana dhowaan Muqdisho dib ugu soo laabtay madaxweynihii hore ee Soomaaliy Sheekh Shariif Axmed.
Musharixiinta madaxweyne ee doorashada 2016 ayaa noqon doona kuwii ugu badnaa ee abid isu soo taaga doorasho.
Goobjooge.com