Monday, July 7, 2025

Qalab lagu baaro Cudurka Covid-19 oo Muqdisho la keenay & Talyaaniga oo ku deeqay lacagta lagu..

Qalabka lagu baaro cudurka Coronavirus ayaa loogu deeqay dowladda Soomaaliya iyadoo diyaarad ay leedhay hay’adda WFP shalay lagu keenay magaalada Muqdisho.

Qalabkan oo Hay’adda Caafimaadka Aduunka ay soo iibisay ayaa maanta lagu wareejiyay Wasaardada Caafimaadka & Daryeelka Bulshada ee xukuumadda Soomaaliya; Waxana lacagta qalabka lagu soo iibiyey ku deeqday Safaaradda dowladda Talyaaniga ee Soomaaliya.

Keenista qalabkan ee Muqdisho ayaa ku soo beegmaya iyadoo uu shaqo galay sheybaarka Wasaaradda Caafimaadka, isla markaana ay sii kordhayaan kiisaska Coronavirus oo ku faafaya gudaha Muqdisho, iyadoo qofkii ugu horeeyay u geeriyooday cudurka.

Talyaaniga ayaa ka mida dalalka uu sida weyn u saameeyay cudurka Coronavirus, kuna laayey dad fara badan, waana dalkii uu horeeyay ee deeq caafimaad soo gaarsiiya dowladda Soomaaliya, marka laga reebo ganacsadaha Chines-ka ah ee Jack Ma.

NAGULA SAAXIIB BARAHA BULSHADA: Like Saar

161,065FansLike
2,523FollowersFollow
5,990FollowersFollow

NAGU SOO BIIR

161,065FansLike
2,523FollowersFollow
5,988FollowersFollow

TOP NEWS

XOGAHA QARSOON