Monday, June 23, 2025

Qaramada Midoobay oo War degdega kasoo saaray Heshiiskii Musharixiinta iyo RW Rooble

Xafiiska Qaramada Midoobay ee Soomaaliya (UNSOM) ayaa War degdega kasoo saaray heshiiskii ay Caawa Muqdisho ku qaareen Ra’iisal wasaaraha xukuumadda xilgaarsiinta Maxamed Xuseen Rooble iyo Golaha Musharixiinta Mucaaradka.

Qoraalka UNSOM ayaa lagu yiri: “UN-Somalia waxay si diiran usoo dhoweyneysaa heshiiska caawa lagu dhawaaqay ee dhex maray Ra’iisal wasaare Rooble, hogaamiyeyaasha Galmudug, Hirshabeelle, Banaadir iyo Midowga Musharixiinta waxayna u aragtaa tallaabo haboon..”.

Xafiiska Qaramada Midoobay ee Soomaaliya ayaa bogaadiyey tallaabadan oo uu sheegay inay ku jirto danta muwaadiniinta Muqdisho iyo Soomaalida; wuxuuna ku booriyey dhammaan dhinacyda ay quseyso inay galaan wadahadal lagu xalinayo arrimaha harsan, loona wajaho si niyad iyo wadar ogol ah.

Ad

Warar Xul ah

NAGULA SAAXIIB BARAHA BULSHADA: Like Saar

161,065FansLike
2,523FollowersFollow
5,990FollowersFollow

NAGU SOO BIIR

161,065FansLike
2,523FollowersFollow
5,988FollowersFollow

TOP NEWS

XOGAHA QARSOON