Qarax ayaa caawa laga maqlay isgoyska KM 4 ee magaalada Muqdisho iyadoo warar kala duwan kasoo baxayaan.
Qaraxan ayaa la sheegay inuu ahaa miino la dhigay meel u dhow safaaradii hore ee Turkiga ku lahaa halkaasi oo ay hadda degan tahay safaaradda kale ee dalka Qatar.
Qaraxa Miinada ayaa ka dhacay dhabarka danbe ee xarunta Safaaradda, Degmada Hodan. Guddoomiyaha Degmada Hodan ee Gobolka Banaadir ayaa sheegay in ay jiraan Dhaawacyo Fudud oo Qaraxa ka dhashay.
Sarakiisha ammaanka ayaa ku doodeysa in qaraxyada ay ahaayeen kuwo macmal ah oo been buur ah.
Maanta ayay ahayd markii qarax gaari loo adeegsaday lala beegsaday Baar ku dhow xarunta wasaaradda Amniga, halkaasoo ay ku dhinteen 8 qof, 13 kalena ku dhaawacmeen.
Goobjooge.com