Qarax caawa ka dhacay magaalada Muqdisho ayaa lala beegsaday ciidamo ka tirsan kuwa dowladda Federaalka Soomaaliya.
Qaraxa oo ahaa nooca dhulka la geliyo ayaa ka dhacay agagaarka isbitaalka Digfee, degmada Hodon ee Gobolka Banaadir, waxaana ka dambeysay rasaas ay fureen ciidamada ilaalada Isbitaalka iyo ciidamo u dhowaa goobta qaraxa ka dhacay.
Qaraxa ayaan wax qasaare ah geysan sida ay sheegeen dadka degaanka, waxaana goobta xiray ciidamada ammaanka iyadoo gaari ciidamo ay la socdaan uu markaas ka hor halkaasi maray.
Dadweyne fara badan oo goobta qaraxa ka dhacay ku soo ururay ayay kala eryeen ciidamada, waxayna muddo kadib xaalada ku soo noqotay sidii caadiga ahayd.