Qarax xoog leh ayaa caawa 11:00 habeennimo laga maqlay guud ahaan magaalada Muqdisho, iyadoo warar kala duwan kasoo baxayaan.
Wararkii ugu horeeyay ayaa sheegay inuu qaraxa ka dhacay Guri dad shacab ah oo ku yaalla xaafadda IVECO ee dhinaca degmada Howlwadaag, kaasoo lagu diyaarinayey qaraxa, iyadoo ciidamada fara badan oo kuwa amniga ah ay goobtaasi gaareen.
Wararka qaar ayaa sheegay in Gaari lagu diyaarinayey waxyaabaha qaraxa uu iskiis u qarxay, iyadoo la qabtay qaar ka mida dad ka baxsaneyey guriga qaraxa ka dhacay, Ma jirto wax faahfaahin ay oo ay bixiyeen ciidamada amniga oo la sheegay inay baaritaan ka wadaan goobtaasi.