War hadda soo dhacay ayaa sheegaya in Qarax Culus oo dhawaaqiisa laga maqlay meelo uu ka dhacay Degmada Hiliwaa ee gobalka Banaadir.
Qaraxa ayaa la sheegaya inuu dhaliyay qasaaro dad shacab ah soo gaaray.
Qaraxa ayaa ahaa miinada Nooca dhulka lagu aaso ayaa la sheegay in la gelyay dhinaca laamiga meel ku dhaw Ex Control Balcad waxa uuna haleelay gaari Shacab ay saarnaayeen.
Gaari B.L ah ee uu haleelay Qaraxa ayaa dad shacab ah qasaaro ka soo gaaray in kastoo aan la ogayn inta ay gaarsiisan tahay.
Goob joogaha ayaa sheegay in indhihiisa ay qabteen dhaawaca ilaa 3 qof oo qaarkood xaaladooda liidato kuwaas oo laga soo bixiyay Gaarigii ay saarnaayeen.
Ciidamo ayaa goobtaasi gaaray waxana loo diiday gaadiidka iyo dadka.