Wednesday, June 25, 2025

Qarax dhimasho iyo dhaawac sababay oo ka dhacay Waddada Maka Al-Mukarama

Warar goor dhow naga soo gaaray Magalada Muqdisho ayaa waxa ay sheegayaan qarax gaari waxyaabaha qarxa ay saaran yihiin in uu ka dhacay wadada maka almukarama ee magaalada muqdisho

Qaraxaan ka dhacay inta u dhexeeysa Hotelka Ambassdor iyo Isbitaalka Daarul shifaa ee agagaarka Taree Biyaano waxaana qaraxa uu sababay dhimasho iyo dhaawac, Warar horu dhac ah oo aan heleyno ayaa sheegaya in qaraxa uu saameeyey dhismayaal ganacsi oo ku yaala wadada hareereheeda dhimasho iyo dhaawacne ay sababeen, waxaana xusid mudan maanta oo jimco ahayd in magaalada muqdisho wadooyinkeeda si weyn loo adkeeyey iyadoo ay yareyd baabuurta dadweynaha, balse ay jireen baabuurta yar yar iyo Bajajyada in ay isticmaaleen wadooyinka ay ka mid tahay Maka al-mukarama.

Qaraxaan ayaa Goobjooge kusugnaa halka uu qaraxa ka dhacay ayaa sheegaya in qaraxa uu ahaa gaari waxyaabaha qarxa laga soo buuxiyay oo loo maleynayo in banaanka isbitaalka daarul-shifaa la hor dhigay.

NAGULA SAAXIIB BARAHA BULSHADA: Like Saar

161,065FansLike
2,523FollowersFollow
5,990FollowersFollow

NAGU SOO BIIR

161,065FansLike
2,523FollowersFollow
5,988FollowersFollow

TOP NEWS

XOGAHA QARSOON