Sunday, July 6, 2025

Qarax Gaari ka dhacay magaalada Muqdisho & Mas’uul sare oo dhaawac kasoo gaaray [Akhriso]

War hadda soo dhacay ayaa sheegay in qarax gaari uu goor dhoweyd ka dhacay magaalada Muqdisho.

Qaraxa oo ahaa nooca lagu xiro gawaarida ee loogu talogalay khaarijinta ayaa ka dhacay agagaarka KM 4 iyo xarunta CID-da Booliska ee magaalada Muqdisho, waxayna wararku sheegayaan in la xiray goobta Gaarigu ku qarxay, iyadoo ay ku dhaawacmeen qofkii waday gaariga iyo qof kale.

Wararkii ugu danbeeyay ayaa sheegaya in Gaariga Qarxay uu watay oo ahaa wasiir ka tirsan Maamulka Galmudug laguna magacaabo Daahir Xasan Xuseen (Daahir Tabliiq) oo hore u soo noqday guddoomiyaha Degmada Deyniile, xilligii dowladii Sheekh Shariif.

Toddobaadkan ayay ahayd markii sarkaal ka tirsan ciidamada Booliska ahna madax baarista ee CID-da uu ka badbaaday qarax loogu xiray Gaarigiisa oo ka dhacay jidka Shaqaalaha ee wadadda Maka Almukarama.

NAGULA SAAXIIB BARAHA BULSHADA: Like Saar

161,065FansLike
2,523FollowersFollow
5,990FollowersFollow

NAGU SOO BIIR

161,065FansLike
2,523FollowersFollow
5,988FollowersFollow

TOP NEWS

XOGAHA QARSOON