Thursday, June 26, 2025

Qarax Gaari oo ka dhacay Magaalada Muqdisho & Faahfaahin ku saabsan Qofkii loogu xiray Gaariga oo ku dhintay

Wararka laga helayo magaalada Muqdisho ayaa sheegay inuu qarax ka dhacay degmada Shibis, kasoo ka dhashay gaari loogu xiray qof shacab ah.

Qaraxa oo ka dhacay Xaafadda Maana-booliyo ee degmada Shibis ayaa la sheegay inuu ka dhashay Miino Gaarigii uu watay loogu xiray Nin lagu magacaabo Cabdala Axmed Cabdala (Shiikh Nuur Codey), isagoo iska goobta ku dhintay, sida uu xaqiijiyey afhayeenk maamulka Gobolka Banaadir.

Dadka degaanka ayaa sheegay in ninka Qaraxa lagu dilay  uu ka mid ahaa Jaaliyadda Yaman ee magaalada Muqdisho oo intooda badan degan deganda Shibis, taariikh dheerna ku leh degmadaasi.

Meydka ninkan ayaa la geeyey Xarunta CID-da ee magaalada Muqdisho, wuxuuna qaraxan ka mid yahay qaraxyo ay kooxda Alshabaab ka geysato Muqdisho.

NAGULA SAAXIIB BARAHA BULSHADA: Like Saar

161,065FansLike
2,523FollowersFollow
5,990FollowersFollow

NAGU SOO BIIR

161,065FansLike
2,523FollowersFollow
5,988FollowersFollow

TOP NEWS

XOGAHA QARSOON