Wararka laga helayo magalada Muqdisho ayaa sheegaya in Qarax Gaari uu goor dhoweyd ka dhacay magaalada.
Qaraxa ayaa la sheegay inuu ahaa Gaari lagu soo xiray waxyaabaha qarxa, iyadoo jugtiisa laga maqlay xaafado ka tirsan degmooyinka magaalada Muqdisho, iyadoo ay goobtaasi ay gaareen ciidamada amniga oo baaritaan ka wada.
Wararka ayaa sheegay inuu qaraxu qabsaday Gaari ku sugnaa Xaafadda Siigaale ee degmada Hodon magaalada Muqdisho, waxaana la sheegay inuu si weyn u burburay gaariga lagu soo xirey waxyaabaha qarxa.
LA SOCO WIXII SOO KORDHA..