Monday, June 23, 2025

Qarax Gaari oo ka dhacay Magaalada Muqdisho & Wararkii ugu danbeeyay

Wararka laga helayo magaalada Muqdisho ayaa sheegay inuu qarax gaari goor dhoweyd ka dhacay caasimadda Soomaaliya.

Gaari waxyaabo qarxa lagu xiray ayaa ku qarxay Isgoyska Taleex ee degmada Hodan Gobolkan Banaadir, gaar ahaan albaabka Bankiga Premier, waxaana dab qabsaday gaariga qaraxa saarnaa oo ahaa nooca Toyota Hilux.

Wararkii ugu danbeeyay ayaa sheegay in qaraxa qofkii lala beegsaday ee gaariga loogu xiray uu ka badbaaday. Ciidamada amniga ayaa xiray wadadda mashquulka badan ee Taleex, iyadoo loo diiday isku socodka dadka iyo gaadiidka.

Afar qof ayaa la sheegay inay qaraxa ku dhaawacmeen, iyadoo gaadiidka gurmadka ay goobta ka qaadeen, isla markaana gaarsiiyeen isbitaallada.

SAWIRRO: Qarax Gaari dhaliyey Dab xoog leh oo ka dhacay Isgoys Mashquul badan, Muqdisho

NAGULA SAAXIIB BARAHA BULSHADA: Like Saar

161,065FansLike
2,523FollowersFollow
5,990FollowersFollow

NAGU SOO BIIR

161,065FansLike
2,523FollowersFollow
5,988FollowersFollow

TOP NEWS

XOGAHA QARSOON