Qarax gaari ayaa goor dhow ka dhacay magaalada Muqdisho, iyadoo wararkii ugu horeeyay sheegayaan inuu ahaa mid lala beegsaday Gaari uu lahaa xildhibaan ka tirsan Baarlamaanka Federaalka Soomaaliya.
Qaraxa ayaa qabsaday Gaari uu leeyahay xildhibaan Daahir Amiin Jeesow oo ka tirsan Baarlamaanka Federaalka, waxaana la sheegay in xilliga qaraxa dhacay aanu xildhibaanka saarneyn gaarigiisa oo uu ku jiray mid ka mida carwooyinka ku yaalla wadadda Maka Almuakrama.
Gaari noociisa uu yahay Hilux oo uu leeyahay Xildhibaan Daahir Amiin Jeesow, ayaa ku qarxay afaafka hore ee Hotelka Maka Al-Mukarama, xilli Daahir Amiin Jeesow la sheegay inuu ku jiray Carwo halkaasi ku taalla.
Labo ruux oo la sheegay in ay saarnaayeen gaariga Xildhibaanka ayaa waxaa soo gaaray dhaawacyo sidda ay xaqiijiyeen goobjoogayaal. Ciidamada Ammaanka Soomaaliya ayaa soo gaaray goobta uu Qaraxu ka dhacay, waxaana damiyeen gaarigii Qarxay oo gubanaayay.
AKHRISO WAR LA XIRIIRA
SAWIRRO: Xildhibaan Daahir Jeesow oo Dirqi ah uga badbaaday Qarax loogu xiray Gaarigiisa