Wednesday, June 25, 2025

Qarax Gaari oo ka dhacay Muqdisho & Qofkii watay oo dirqi uga badbaaday

Qarax lagu soo xiray Gaari ayaa goor dhow ka dhacay agagaarka Isgoyska Debka, Degmada Waaberi ee magaalada Muqdisho sida ay sheegeen dadka degaanka.

Qaraxa ayaa ka dhacay agagaarka guri uu leeyahay qof ka mida shaqaalaha dowladda ee Magaalada Muqdisho, soo dhowaan weeraro is-miidaamin ah lagu qaaday qasaare badanna ka dhacay.

Wararka ayaa sheegaya in qaraxa ahaa miinooyinka lagu xiro baabuurta oo lagu khaarijiyo dadka saaran, waxaana gaariga lagu xiray uu ahaa nooca raaxada, kaasoo uu lahaa nin magaciisa lagu sheegay C/shakuur Ciise oo ka tirsan shaqaalaha Dowladda Soomaaliya.

Ninka gaariga lahaa ayaa la sheegay inuu ka shakiyay xaaladda gaariga oo gariir sameeyay kadibna uu ka cararay, halkaasoo uu gaarigii ku qarxay gurigiisa hortiisa oo ku yaala degmada Waaberi.

Ma jirto wax qasaare ah oo ka dhashay qaraxa, marka laga reebo gaariga oo si weyn u burburtay.

Goobjooge.com

NAGULA SAAXIIB BARAHA BULSHADA: Like Saar

161,065FansLike
2,523FollowersFollow
5,990FollowersFollow

NAGU SOO BIIR

161,065FansLike
2,523FollowersFollow
5,988FollowersFollow

TOP NEWS

XOGAHA QARSOON