Wararka laga helayo magaalada Muqdisho ayaa sheegaya inuu qarxay Gaari lagu soo xiray waxyaabaha qarxa, isagoo dhaliyey dhaawacyo soo gaaray dhowr qof.
Qaraxa Gaariga ayaa ka dhacay Tabaakayo Madow, degmada Dharkeenley, wuxuuna ahaa mid xoog, iyadoo lagu Gaari xiray Gaari NISSAN SURF ah, kasoo qaraxu qabsaday xilli uu yaalla Guri hortiisa.
Qofka Gaariga lahaa ayaa lagu sheegay inuu ka tirsanaa Dowladda Soomaaliya, kaasoo ka shakiyey gaariga uguna yeeray ciidamada dowladda, balse gaariga ayaa qarxay markii ay halkaasi soo gaareen ciidamada, waxaana halkaasi dhaawac kasoo gaarary laba askari oo goobta ku sugnaa.
Dhaawacyada labada askari ayaa laga soo qaaday goobta, waxaana halkaasi gaaray Ciidamo Boolis ah oo baaritaan ka sameeyay.